Dalka Soomaaliya waxay dhallinyarada ka yihiin 70% bulshada waana cududa ugu badan badan ee kaalin ka qaadan karta horumarka dalka Soomaaliya oo soo maray in 25 sano oo dib u dhac dagaalo iyo horumar la’aan.
Iyadoo dhallintan ay iskood u abuurteen shaqo, si ay u soo dhacsadaan nolol maalmeedkooda kagana maarmaan inay u tahriibaan dalalka shisheeye ayaa haddana waxaa caqabad ka heysataa siday uga shaqeysan lahaayeen gudaha magaalada.
Shaqadii bajaajtu waxay noqotay mid leysku cabsiiyo, ruuxa ka shaqeeyaana uu magaalada dhexdeeda ku maro tawakal calallaah haddaba:
Axmed Xasan Cismaan wuxuu ka mid yahay dhallinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho wuxuu qabaa in aan loo baahneyn in la niyad jabiyo ama la waxyeelleeyo dhallinyarada gaar ahaan kuwooda ku howlan in ay wax qabsadan ee ka horjeestay fadhiga, caajiska iyo isticmaalka mukhaadaraadka una jeestay in ay wax qabsadaan.
“ Dhallinyarada ay shaqo abuurka u tahay wadista bajaajta waa iney helaan dhiirigalin maadaama ay jecleysteen in ay waxqabsadaan halkii ay darbi fadhin lahaayeen “ ayuuna yiri Axmed.
Cabdi C?qaadir waa mid ka mid ah dhallinta darewalada ka ah bajaata ka howlgasha magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in bajaajleyda ay yihiin dhallinyaro sameysatay shaqo abuur si ay uga baxaan shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta wuxuuna qabaa in bajaajleyda xaaladda ay kaga howlgalaan caasimadda ay tahay mid adag.
“Mararka qaar waxaan la kulanaa xaalado amni oo adag oo aan ku dhex shaqeynaa iyadoo xitaa naf ahaan aan galno qataro halis nagu noqon kara laakiin uma joojino “ ayuu yiri.
In kastoo ay jiraan dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah hadana Maxamed Xuseen oo ah aqoonyahan ku nool Muqdisho waxaa uu qabaa in xaaladaha qaar ay u baahan yihiin degenaan isagoo soo jeediyey in khalalaasaha mar kasta ka dhex aloosma bajaajleyda iyo ciidamada ammaanka loo baahan yahay in lagu xalliyo degenaan.
“Taasi waxay ku iman kartaa bajaajleyda oo iska xilsaara fulinta shuruucda waddooyinka iyo ciidanka oo iyana tixgeliya duruufaha ay dhallinta wadeyaasha bajaajta ah ku shaqeynayaan, taas haddii la helo wax walba way xalismayaan” ayuuna yiri.
Shaqo abuurka bajaajta ayaa dhallinyaro badan oo soomaaliyeed ka badbaadiyey in ay galaan safarada qataraha badan lagala kulmo ee badaha ee ah tahriibka kuwaas oo sanad walba ay ku dhammaadaan dhallinyaro isku dayeysa in ay galaan dalalka Yurub si ay wax uga bedelaan noloshooda.
Dalka Edatorial