In ka badan toban khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug

Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aaggaas.

Khasaare culus ayaa lagu gaarsiiyey howlgalkan cadowga, iyadoo la burburiyey gaadiidkii ay wateen iyo goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Dhinaca kale, howlgal lagu laayay horjogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, iskana kaa shadeen ciidamada deegaanka magaalooyinka Baxdo iyo Wisil ayaa saacadahii ugu dambeeyay ka saldhig ay Khawaarijta ku lahayd deegaanka Cadaleey ee duleedka magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa lagu dilay ku dhawaad 10 xubnood oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira, waxaana howlgalku uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.