In ka badan 42 Khawaarij oo lagu dilay deegaanka Cadalay oo hoostaga degmada Mahadaay

In ka badan 42 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Qaranka, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Cadalay oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan oo socday in ka badan 30 saacadood ayaa waxaa lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku abaabulayay deegaankaan.

27-ka mid ah meeshiyaadka la laayay waxaa xalay lagu dilay hal goob, halka 15 kalana maanta lagu dilay goob kale oo ay godad ka qoteen oo ku taala isla deegaankaan Cadalay.

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Cadalay, waxaana gacanta lagu dhigay Hubkii ay lahaayeen Khawaarijta iyo Saanad ciidan.

Howlgalkaan ayaa daba socday howlgal maalmo ka hor ka dhacay deegaannada Iji iyo Afcad kuwaasi oo lagu laayay boqolaal Khawaarij ah.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta ka been sheegtay diinta ee duulaanka ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo inay cadaaladda marsiiso kuwa adkaysta inay ka sii mid ahaadaan Khawaarijta.