in ka badan 40 khawaarij ah oo lagu dilay gobolka bari

Boosaaso- Ugu yaraan 40 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta Daacish ayaa lagu dilay tiro intaa ka badanna waa lagu dhaawacay markii ciidanka dabargoynta argagixisada ee Puntland ay howlgallo xooggan ka fuliyeen buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka bari.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysa ayaa warbaahinta u sheegay in malleeshiyaadka la laayay ay u badnaayeen ajaanib, iyadoo ciidanku ay la wareegeen gacan ku haynta dhammaan goobihii howlgalkaas ay ka fuliyeen.

Saraakiisha ciidanka dabargoynta argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijta naf la caariga ah.