In ka badan 10 argagixiso ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Xalfooleey

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa saakay aroortii howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka xalfooley oo u dhow xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

Ciidamada oo si xirfadaysan jidka ugu galay Khawaarij socoto ah ayaa gubay mid ka mid ah gaadiid ay wateen, iyagoo dilay tobaneeyo ka tirsan argagixisadii halkaas ku safraysay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa halkaas ka wada howlgallo lagu dhamaystirayo argagixisadii ku firxaday duurka, kadib markii ay la kulmeen weerarkan jid galka ah.