Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo Maanta ka bilowday Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxaa Maanta si rasmi ah guud ahaan Dalka uga bilowday Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee Dugsiyada Sare, iyadoo kumannaan Arday ay u fariisanayaan Imtixaankan oo lagu qiimeynayo heerka Aqoontooda kadib markii ay soo dhammaysteen Waxbarashadooda Dugsiga Sare.

 

Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka Gobollada ayaa sameeyay diyaar-garow ballaaran oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka Imtixaanka iyo Amniga Goobaha lagu galayo.

 

Mas’uuliyiinta Waxbarashada ayaa Ardayda ku boorriyay inay muujiyaan dadaalkoodii Waxbarasho, iyagoo u rajeeyay guul iyo natiijooyin wanaagsan oo horseeda Mustaqbal ifaya.