IMF oo walaac ka muujisay Kororka qiimaha cuntada iyo shiiidaalka ee Afrika

Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa ka digtay in kor u kaca qiimaha cuntada iyo tamarta ee uu kiciyay dagaalka Ukraine uu horseedi karo qalalaaso dhanka bulshada ah oo wajaha Afrika.

Abebe Aemro Selassie, oo ah madaxa IMF ee waaxda Afrika, ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay kor u kaca raashinka iyo tamarta,isagoo intaa ku daray  in arrintaasi si gaar ah looga dareemay inta badan dalalka Afrika ee aan dhoofin saliidda ama gaaska.

Madaxa IFM ayaa sheegay in haddi aan wax laga qaban kororka qiimaha cuntada iyo tamarta ay sare u qaadi karaan heerka saboolnimada, isla markaana ay horseedi karaan xasillooni-darro ku timaada bulshada.

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO) ayaa daraasad cusub oo ay sameeyeen ku sheegay in qiimaha cuntada uu kor u kacay 12.6 boqolkiiba intii u dhaxaysay February iyo March.

Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee la daalaa dhacay kor u kaca ku yimid qiimaha la kala siisto cumtada iyo shiidaalka ,waxaana arrimahaasi loo aaneynayaa soo ifbixii cudurka Covid 19 iyo dagaalada haatan ka socda dalka Ukraine.