Illaa 29-kun oo ruux oo ku dhintay dhulgariradii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya

Tirada dhimashada ee dhulgariirkii Turkiga iyo waqooyi-galbeed Suuriya ayaa dhaaftay 29,000 xilli ay socdaan dadaallada samatabixinta ee ka socda dalalkaasi.

Tirada dhimashada  dadkii ku waxyeeloobay Turkiga ayaa kor u kacday oo gaartay 24,617 halka in ka badan 4,500 lagu sheegay dadku ku dhintay Suuriya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 5.3 milyan oo qof oo Suuriya ku nool laga yaabo in ay hooy la’aan yihiin, halka ku dhawaad 900,000 oo qof ay u baahan yihiin cunto kulul oo degdeg ah Turkiga iyo Suuriya.

Dowladda Suuriya ayaa ogolaatay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo goobaha dhulgariirku ku dhuftay ee ka baxsan gacanteeda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Turkiga ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo sidii uu u furi lahaa laba waddo oo cusub oo loo maro qaybaha ay fallaagada gacanta ku hayso ee Suuriya