Ciidamada gaarka ah ee Danab Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada taageerada cirka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa ku burburiyay godod iyo gabaadyo ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen, halkaasna waxaa lagu dilay in ka badan 100 dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta.
Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah dagaalka socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga shacabka Soomaaliyeed.