IGAD oo si weyn u difaacday Midnimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Jabuuti(Wargeyska Dalka):-Xoghayaha Urur-Goboleedka IGAD oo goor dhowed soo saaray bayaan  ayaa si weyn ugu garab istaagay gobanimada iyo jiritaanka midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,warmurtiyeedka ayaa lagu yiri
IGAD waxay mar kale si cad u xaqiijisay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal xubin ka ah IGAD oo leh midnimo, madaxbannaani iyo dhul buuxa, kuwaas oo si buuxda loogu aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah.

IGAD waxay ugu baaqday dhammaan saaxiibbada caalamiga ah iyo daneeyayaasha in ay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, isla markaana ay taageeraan wadahadallo iyo hannaan siyaasadeed oo nabadeed kuwaas oo xoojinaya nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.

Sidoo kale, IGAD waxay mar kale muujisay garab istaaggeeda buuxa ee Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo adkaysay ballanqaadkeeda ku aaddan taageeridda hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo iskaashi goboleed, si loo gaaro nabad waarta, xasillooni iyo horumarka