Howlgalo lagu baacsanayo maleeshiyada Al-Shabaab oo ka socda gobolka Sh/dhexe

Iyadoo maalmahi la soo dhaafay ciidanka xoogga dalka ay howlgal ka sameeynayeen degaanka Warta-Jilable ee gobolka Shabeelaha dhexe, halkaasi oo lagu dilay ku dhawaad 100 ka mid ah maleeshiyaadka argagaxisada oo isugu jiray horjoogayaal iyo dagaalamayaal, sidoo kale waxaa lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Ciidanka ayaa waxay howlgallo ka wadaan degaanada howdka ah ee udhow degaanka Warta Jilable ee gobolkaasi shabeelaha dhexe, iyaga oo sii baacsanaya maleeshiyaadka firxadka ah ee argagixisada Al-shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Col: Cali Xaashi, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in qasaare xoogan uu soo gaaray maleeshiyaadka Al-shabaab islamarkaasna meeydadkooda ay daadsanyihiin dhaman goobihii lagu dagaalamay.