Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo sii wada howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee saacadihii ugu dambeeyay ay ka wadeen HirShabeelle ayaa markale fuliyay howlgal lagu naafeeyay cadowga Khawaarijta.

Bartilmaameedka Howlgalkaan ahaa oo si guul leh u dhacay ayaa laga sameeyay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay 18 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana sidoo kale la burburiyay laba gaari oo ah nooca dagaalka oo ay doonayeen in ay ku baxsadaan maleeshiyada cadowga ah.

howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ka socda guud ahaa gobollada dalka ayaa intiisa badan noqday mid guullo badan laga gaaray.