Hiiraan:-Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta cadowga Khawaarijta ah ku baacsanadhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Mabaax iyo Ceelhareeri, halkaas oo dagaal saakay soo bilowday lagu jebiyey Khawaarijta.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay toogteen dhagarqabayaal ay cadowgu qaraxyo ku soo xireen, howlgalka oo weli socda ayaa si buuxda loogu jebiyey Khawaarijta.
Wixii ka soo kordha howlgalka ka socda Hiiraan kala soco Warbaahinta Qaranka.