Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan

Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay weerar culus ku qaaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Khawaarijta isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar cashir loogu dhigay Khawaarijta, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Khawaarijta gaarsiiyeen, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.

Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee Khawaarijta lagu laayey , sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen.

Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa sidaan oo kale weerar ku qaaday Khawaarij isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan-yabaal, waxayna cadowga gaarsiiyeen khasaare culus, kuna guuleystay inay ka hor tagaan dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.