Howlgalka Gargaar ee ku-meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) wuxuu dhammeyn doonaa howshiisa Bishan Oktoobar 31-keeda, isagoo soo xiraya Laba Sano oo kala-guur ah iyo in ka badan 30 sano oo Qaramada Midoobay ay taageero u fidinaysay dhisidda Nabadda, maamulida iyo dhisidda Dowladnimo Dalka, ayuu sheegay Sarkaal ka tirsan QM Isniintii shalay aheyd.
War-saxaafadeed, uu qabtay Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in Xafiiska howlgalku uu joojin doono shaqadiisa, iyadoo la raacayo xalka Golaha Ammaanka iyo codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Guushan waxay soo gebogebeynaysaa howlgallo Qaramada Midoobay ah oo taageero u fidinayay dhisidda Nabadda, dhisidda Dawladnimada, maamul wanaagga iyo Midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Dujarric.
Xiritaanka ayaa raacaya qorshe isbeddel oo wada ogol ah, kaas oo Mas’uuliyadaha ay UNTMIS leedahay loo wareejiyay Hay’adaha Soomaalida iyo Wakaaladaha Qaramada Midoobay, Sanduuqyada iyo Barnaamijyada UNDP, sida ay qortay Wakaaladda Wararka Turkiye ee Anadolu.
Guterres wuxuu mar kale xaqiijiyey in QM ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, iyadoo loo marayo Hay’adaha iyo Barnaamijyada jooga halkaas, iyadoo lala shaqeynayo Maamulka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo la-howlgalayaasha Caalamiga ah, si loo dhiirrigeliyo Nabadda, Xasilloonida, Xuquuqda Aadanaha iyo horumar waara, ayuu sheegay Dujarric.
“Iyadoo la aqoonsan yahay caqabadaha Siyaasadeed, Amni, Bini’aadantinimo iyo horumarineed ee weli jira, Xoghayaha Guud wuxuu ku baaqayaa taageero Caalami ah oo joogto ah, si loo xoojiyo horumarka, loo horumariyo wadahadal Siyaasadeed oo dhammeystiran iyo dib-u-heshiisiin, loo xoojiyo Hay’adaha, loona dhiirrigeliyo, loona ilaaliyo Xuquuqda Aadanaha,” ayuu sii raaciray.
Dujarric ayaa adkeeyay in Guterres uu mar kale xaqiijiyay sida Qaramada Midoobay uga go’an tahay Dadka Soomaaliya iyo taageeridda dadaallada ay Soomaalidu hogaaminayaan, si loo dhiso Mustaqbal Nabad, xasilloon oo Barwaaqo leh.
Haddaba Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Magaalada Muqdisho uga qeybgalay Munaasabad lagu soo xirayay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), iyadoo Munaasabaddan lagu soo afjarayay howlaha Xafiiska UNTMIS, kaas oo door ka soo qaatay taageerada geeddi-socodka Siyaasadeed, Nabad-dhisidda, Dowlad-dhiska iyo xoojinta awoodda Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa Xaflad ku qabatay Muqdisho Isniintii Shalay, si ay u xusaan dhammaadka howlgalkoodii Siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ah Howlgalkii Kaalmada Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), kaasoo si rasmi ah u xirmaya 31-ka Oktoobar.
Xafladda waxaa hogaaminayay Madaxa ku-meel-gaarka ah ee UNTMIS Raisedon Zenenga iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Salah Axmed Jama. Masuuliyiin sare oo Dowladeed, la-howlgalayaasha Caalamiga ah iyo Wakiilo ka socda Bulshada Rayidka ah ayaa ka soo qayb galay Munaasabaddaasi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Arrimaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa Caasimadda Muqdisho uga qaybgalay Munaasabadda rasmiga ah ee xiritaanka Howlgalka Kaalmada Ku-meel-gaarka ah ee Xafiika Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).
Munaasabaddan ayaa lagu soo afjaray waajibaadkii Xafiiska, iyadoo sidoo kale calaamad u ahayd tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaadayso dhinaca xoojinta lahaanshaha Qaranka ee geeddi-socodka Nabad-dhisidda, Dowladnimada iyo dhismaha Hay’adaha Dowladda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya waxay bogaadineysaa shaqadii Xafiiska, iskaashiga joogta ah ee UN-ka iyo Soomaaliya iyo kaalinta ay ka qaateen dedaalada Nabad-dhisidda iyo dhismaha Dowladnimada Dalka.
Soo xiritaanka Xafiiskan ayaa qeyb ka ah isbeddelka ku yimid qaabka wada-shaqeyneed ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaddib muddo ay Hay’addu ka shaqeyneysay taageerada hannaanka Siyaasadeed iyo Horumarinta Hay’adaha Dowliga ah ee Dalka.
Qaramada Midoobey ayaa si rasmi ah u xirtay Xafiiskeedii Siyaasadda ay ku maamuleysay Soomaalida, tan oo ah bilowga in Soomaaliya ka baxday marxaladdii kala-guurka & burburka Dowladnimo.
Qaramada Midoobay ayaa muddo badan ku jirtay dhexdhexaadinta Siyaasiyiinta Soomaalida, iyada oo dhaqaajin jirtay ismari-waaga, waxase Maanta ka dib is hurran Soomaalida oo ay tahay in ay maareeyaan is-mariwaaga siyaasadeed ee dhexdooda ah.

