Howlgalka la dagaalanka maandooriyaha iyo anshax xumada oo si xoogan uga socda magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa howlgal loogu magacdaray la dagaalanka Maandooriyaha iyo Dhaqan Xumada wajigiisii labaad caawa ka fuliyay dhowr xarumood oo kuyaala Degooyinka Hodan iyo Wadajir, kuwaas oo ay isugu imaadaan dhallinyara caruur u badan iyo kuwa ay da’dooda ka yar tahay 25-sano jir.

Howlgalka waxa Guddoomiyaha ku wehlinayay Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir talisaka Boliiska Gobolka Banaadir waxana lagu soo qabtay tiro dhalinyara ah isticmaalayay waxyaabaha maankadooriya kaa oo uu Guddoomiyaha kala hadalay kana waaniya dhalinyarada in ay joo jiyaan maandooriyaha oo dhibaata badan ku hayo shacabka soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Aya maalmahan waday howlgallo ka dhan ah maandooriyaha iyo qeyb weyn ka ah waxyaabaha qeytba ka ah amni darida Mar marka qaar ka dhacda degmooyin caasimadda.