Ciidamada Soomaaliya ayaa toogtay toddobo dagaalamayaal oo Kooxda Al-Shabaab ah, oo uu ku jiray Horjoogahoodi, intii lagu guda jiray hawlgalkii Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay baahiyeen Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Isniintii, iyadoo Taliska Afrika ee Mareykanka uu xaqiijiyay weerar isku dubbaridan oo isla Gobolkaas ah.
AFRICOM ayaa sheegtay in Ciidamada Mareykanka ay fuliyeen duqeyn Cirka ah 13-kii Luulyo iyaga oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya meel u dhow Sablaale, ku dhawaad 190 kiiloomitir koonfur-galbeed ka xigta Magaalada Muqdisho. “AFRICOM, oo ay la socdaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sii wada tallaabooyin lagu wiiqayo awoodda Kooxda Al-Shabaab ay ku hanjabi karto Ciidamada Mareykanka iyo Muwaadiniinteena Dibadda,” ayaa lagu yiri Warka uu soo saaray Taliska.
War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidanka Danab ay fuliyeen howlgallo qorsheysan saqdii dhexe Maalintii Axaddii Magaalada Sablaale, iyaga oo bartilmaameedsaday Goobaha ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.
Wasaaradda waxay sheegtay in toddobo dagaalamayaal la dilay, oo ay ku jiraan Horjooge loo haysto inuu dagaalamayaal u abaabulay kooxda, balse ma aysan shaacin Magaca Horjoogaha.
Mas’uuliyiinta Militari waxay sheegeen in Ciidamada Soomaaliya ay sidoo kale burburiyeen laba Goobood oo lagu sheegay in Kooxda Al-Shabaab u isticmaasho Tababarka Xubnaha cusub iyo faafinta Fikradaha xagjirka ah. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Goobahaasi loo isticmaalay inay Dadka ku xagjiriyaan, islamarkaana ku dhiirrigeliyaan Weerarro in ay qaadaan.
Howlgalka ayaa dhacay Hal Maalin ka dib markii Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaalida ay sheegeen in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya la-hawlgalayaasha Caalamiga ah, ay dileen ugu yaraan 26 dagaalamayaal oo Al-Shabaab ah weerarro Cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday meelo ay Kooxda ku sugan tahay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Cutubka Danab, oo macnihiisu yahay “Hilaac,” waa Cutub khaas ah oo hore u sii tababaran oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la aas aasay Sanadkii 2013-kii waxaana lagu tababaray Taageerada Dowladda Maraykanka, Cutubkani wuxuu noqday awood muhiim ah oo howlgalada ka dhan ah Al-Shabab ka fuliyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Soomaalida iyo Maraykanka waxay yiraahdeen cadaadiska Millateriga ee sii socda waxaa loogu talagalay in lagu daciifiyo awoodda kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee qorsheynta Weerarrada, qorista Dagaalamayaasha iyo hanjabaadda Shacabka.
Wararkii ugu dambeyay ee laga helayo Gobolka Shabeelda Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday Goobo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee Deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Duqeymaha ayaa lagu dilay 26 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay Gaari Cabd bile ah iyo booyad Shidaal oo ay Khawaarijtu u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo fulinta falalka Argagixisanimo.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku baacsanayaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta weerarrada Argagixisanimo.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka Argagixisada.
Wasaaradda Gaashaandhigga, gaar ahaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

