Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah hubka sharcidarada oo ka bilowday Caabud-waaq

Ciidamada amniga degmada Caabud-waaq oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka ayaa howlgalo amniga lagu sugayo waxay maanta ka bilaabeen degmadaas.

Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa looga gol leeyahay sidii loola dagaalami lahaa dadka hubka sharcidarada ah ku dex sita gudaha degmada, loona xaqiijin lahaa ammaanka guud ee degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Caabud-waaq Faarax Cabdulle oo ay weheliyaan xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa horkacayay howlgalkan, waxayna ciidanka baro-kontarol oo lagu hubiyo gaadiidka ka sameysteen waddooyinka laga soo galo magaalada.

Qalbi Axmed Cali oo ah taliyaha qeybta Booliska gobolka Galgaduud ayaa digniin adag u diray dadka hubka aan ahayn kan laamaha amniga ku dhex wata degmada in ay ka waantoobaan,islamarkaana la shaqeeyaan hay’adaha amniga.