Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan khawaarijta oo ka dhacay Gobalka Shabeellaha Hoose

Muqdisho(SONCiidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan xalay ka fuliyay deegaanka Garilow hoos taga degmada Janaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayay ciidamada ku dileen laba kamid ah khawaarijta,waxana ciidamada ay gacanta ku dhigay laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto  ay wateen maleeshiyaadka la dilay

Saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay,iyagoo sheegay in la Sii wadi doono howlgallada lagu baacsanayo khawaarijya.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka badan oo katirsan gobolada dalka kawada howlgallo khawaarijta looga sifeynayo degaanada fara kutirska ah ee ay ku dhuumaleysanayaan.