Howlgal khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta Degmada Buur-Hakaba ayaa howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay Deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25km ujira Degmada Buur-Hakaba Ee Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakaba Sandheere Xasan Aadan oo hoggaaminaya howlgalkaasi ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta.

Howgalka ayaa wali socdo, si khawaarijta looga ciribtiro deegaankaas oo ah wado muhiim u ah isticmaalka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo gobolada Koonfurta