Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ciidanka Kumaandoosta Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo Amni-Xaqiijin ah ka fuliyay Deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Galguduud.
Howlgalkan ayaa si qorsheysan uga dhacay Deegaannada Ceel-Cali Mire, Bulacle, Xersi Fiin iyo Miir-Dugle, kuwaasoo dhammaantood ku yaalla Duleedka Magaalada Dhuusamareeb.
Intii uu Howlgalka socday, Ciidamada Danab ayaa xaqiijiyay Ammaanka Guud, iyagoo baaritaanno ka sameeyay Tuulooyinkaas si looga hortago khatar kasta oo Amni-darro ah, ayna Shacabka Deegaanka u helaan Nolol & Nabad.
Saraakiishii Hoggaaminaysay howlgalkan ayaa sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay Ciidamadu ku wiiqayaan Khawaarijta, isla markaana ay sii socon doonaan Hawlgallada lagu xaqiijinayo Amniga Gobolka.

