Howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Kooxaha Argagixisada Alshabaab iyo Daacish ayaa ka socda deegaano dhaca Buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.
Ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa wada howlgaladaan waxaana si gaar ah ay uga fuliyeen ilaa shalay deegaan oo kala ah Ceel dibir, Mijiyahan, Ceel kharaar, dhadhaabo iyo macag oo hoostaga Buuraleyda Calmadow.
Intii uu socday hawlgalkaan qorshaysan ayaa Waxaa Lagu soo qabtey Xubno katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab kuwaasoo qaabilsanaa fududeynta gudbinta sahayda iyo Saadka.