howlgal ey si wadajr ah u sameyen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa nabad sugida

Howlgal ay Wadajir u fulinayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sirdoonka Qaranka NISA, Ciidammada deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka socda nawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Howlgalkan ayaa si gaar ah uga socda Beerta Sheekh Qaasim Tuullada Dhagaxoow ee hoos tagta deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Ilaa hada waxaa la xaqiijiyey in Howlgalkan lagu dilay in ka badan 25 Maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayadoo sidoo kalena lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal.

Howlgalka oo weli socda wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idiin kaga soo gudbin doonnaa insha Allah