Howlgal Amniga lagu Xaqiijinayo oo laga sameeyay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir

Ciidamada Amniga Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa xalay Howlgallo dad badan lagu soo qabtay Waxa ay ka sameyeen dhammaan xaafadaha Degmadaas.

Howlgalka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha cusub ee dhawaan degmadaas loo Magacaabay Abdishakuur Abuukar Macalin iyo Taliyaasha Amniga Degmadaas,waxa una ujeedku ahaa xaqiijinta Amniga Degmada

Baaritaanada Ciidamada ay sameyeen waxaa lagu soo qabtay Dad isticmaalayey Maandooriyaal iyo Ciyaalweero kuwaas oo qayb weyn ka ahaa amni darada mararka qaar ka dhacda Degmadaas.

Gudoomiyaha  Degmada Deyniile ayaa yiri”Waxaan Bulshada ku nool Degmada Deyniile  kula dardaarmaynaa in ay nalaga shaqeeyaan sugida amniga iyo xasiloonida,Waxaan si gaar ah uga codsanaynaa waalidiinta dhalay dhalinyarada ku howlan falalka amniga lidi ku ah in ay caruurtooda kawarqabaan”.

Gudoomiyaha oo sii hadlayey ayaa sheegay in ay la dagaalami doona wax walba oo Amniga Degmada wax u dhibaya sida: