Howl-wadeeno ka socda wasaaradda qorsheynta XFS oo safar aqoon kororsi ah ku soo qaatay Kampala+Sawirro

Hawl-wadeenno ka socda wasaaradda qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa safar aqoon kororsi ah shan cisho ah ku soo qaatay magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Howlwadeenada oo booqasho rasmi ah ku tagay xaafiska NAO iyo mashaariic horumarineed oo uu fuliyay xafiiskaasi ayaa warbixino la xariirta daadejinta maareynta mashaariicda, hababka kormeerka, qiimeynta iyo qorshooyinka horumarineed ka dhageystay xubno sarsare oo ka socda Wasaaradda Maaliyada, Qorsheynta, Maalagshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Wadanka Uganda.

Ku-xigeenka Xafiiska NAO ee wasaaradda qorsheynta ahna madaxa mashaariicda dowladda ee EU-da Mudane Cabdi Muxumad Axmed oo sharaxay ujeedada socdaalkan ayaa aqoon korarsigan uu saamaxayo in sida ugu haboon loo maareyn karo smahaariicda homarineed ee dalkeenna ka socda.

Sidoo kale, Nimco Xuseen Cusmaan oo qeyb ka ahayd howladeenada sar-sarre ee ka socday xafiiska NAO ee wasaaradda qorshetnta ayaa qeexday in cashar dhaxagal ah ka qaadatay muddada aqoon korarsigan uu socday.

Ujeeddada socdaalka howl-wadeenada ayaa qeyb ka ah aragtiyada hoggaanka sare ee Wasaaaradda ee ku aaddan kor u qaadida aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda si loo maareyo loona hirgaliyo yoolalka kala duwan ee Qaranka, sida ku cad Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-Aad.