Howgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda gobolka Hiiraan

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, ka wado degaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan, ayaa cagta mariyay goobahii ay kaga dhuumaleeysanayeen degaanka Qabno ee hoostaga degmada Matabaan.

Ciidamada ayaa ka war helay in maleeshiyaadka argagixisada ay isku aruursanayeen degaanka Qabno, waxaana halkaas argagixisada looga dilay Siddeed kamid ah, halka tiro intaas ka badana looga dhaawacay.

Saraakiisha guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka sifeyaan degaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo beryahii ugu danbeeyay ay howlgallada ka socdeen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, ayaa qeyb ka ah hoggaanka howlgallada ay Ciidamada ka wadaan inta u dhaxeeysa Matabaan iyo Maxaas, waxaana intii ay socdeen howlgallada lagula wareegay dhowr degaan oo ay horay ugu sugnayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.