Horjoogihii Khawaarijta ee aagga Ceelgaras iyo dhagarqabayaal kale oo lagu dilay howlgal ka dhacay Galmudug

Dhuusamareeb- Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr ayaa xalay deegaanada Ceel-lahelay iyo Dhaban-dhul kuhays ee gobolka Galgaduud ka fuliyay howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ay dileen ugu yaraan shan dhagarqabe, iyagoo howlgalkaas ku dhaawacay malleeshiyaad kale oo horjoogihii Khawaarijta ee aagga Ceelgaras uu ku jiro.

Howlgalka ayaa weli ka socda tuulooyin u dhow deegaanka Ceelgaras, waxayna dhagarqabayaashii Khawaarijta isaga carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.