Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu dilay Bardaale

Ciidamada ammaanka degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Kooney oo hoostaga degmada Bardaale waxa ay ku dilay horjooge lagu magacaabo Macallin Qaddiid oo Khawaarijta u qaabilsanaa uruurinta baadda ay shacabka Soomaaliyeed ka qaataan.

Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa horjoogahaan la dilay kasoo furtay hub iyo agab kale oo muhiim.

Kooxdaha Argagixisada ah ayaa dhibaato xog leh u heyta dadka ku nool meela ay ku dhuuleeytaan iyaga ka qaada dadka raydka ah lacag baad ah oo ay ku sheegaan in ay tahay sako