Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa saacadihii lasoo dhaafay isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Buula -Mareer ee gobolka Shabeellada hoose.

Horjooge Cabdi Maxamed Caraaye oo Magaciisa Afgarashada Khawaarijta uu yahay (C/rashiid) ayaa ka mid ahaa dhagar qabayaasha ugu halista badan ee ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose.

Horjoogahan oo muddo 14 sano ah ka mid ahaa khawaarijta ayaa kooxda u qaabbilsanaa dhaca Shacabka ku nool Gobolka Shabeellada hoose, isagoo ugu dambeyn fahmay in la-joogo gunaanadka Khawaarijta.