Horjooge ka tirasanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Soomow Ibraahim iidow oo Magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Macallin Soomow) ayaa saaka Isku soo dhiibey Taliska Guutada 8-aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Soomow oo Muddo 5-Sano ah ka tirsanaa Khawariijta ayaa u qaabilsanaa waxa ay u yaqaanaan Jabhadaha.

Mar uu ka hadlayay waxa ku sababay in Khawarijta uu ka soo baxo, wuxuu sheegey in dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo midda ay u geystaan Shacabka Soomaaliyeed darteed uu uga soo baxay.