Horjooge iyo Maleeshiyadiisa oo lagu khaarajiyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Abdirahman Yuusuf Al-cadaala ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in Horjooge iyo Maleeshiyadiisa lagu khaarajiyay Gobolka Shabeellaha hoose.

Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in sidoo kale howlgalka qorsheyn ee ka dhacay deegaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaanno hoos taga Number 60 ee gobolka Shabeellaha hoose lagu bur-buriyay xarummo iyo isbaarooyinkii ay lacagta ku uruursanayeen khawaarijtu.

” Waaxaa inta u dhaxeyso Muqdisho ilaa Marka laga sifeeyay Khawaarij, Isbaarooyinkii ay lacagta ku uruursanayeen iyo Xarumihii Xukun xaaraameedkooda waa la burburiyay sidoo kale, Horjooge iyo Maleeshiyadiisiina waa lagu Khaarajiyay” ayuu yiri Wasiir Al-cadaala.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogga dadweynaha oo kaa shanaya kuwa caalamiga ayaa howlgallo lagu baacsanayo Khawaarijta kawada qaar kamid gobollada dalka.