
Qormadaan oo ah Hoggaamiyayaashii kooxda Al-shabaab ee la dilay, waxaana ku bilaawnay Qeybtii 1-aad, tanna waa Qeybta 2-aad.
1. Dhiigyacabkii Aden Xaashi Ceyroow iyo halistii Al-Shabaab. 1-dii Sebteembar 2014-Kii Godane wuxuu Sablaale kula shirayay Taliyayaasha sare ee Al-Shabaab, markii uu ka soo tageyna waxaa beegsatay diyaarad Drone MQ9 ah, halkaasi ayay ku soo dhammaatay shartiisii.
2. Waxaan kaloo ka soo hadalnay Hoggaamiyihii ugu awoodda badnaa uguna naxariista darnaa ee kooxda Al-shabab, Axmed Cabdi Godane, islamarkaana uu ka takhalusay Ibrahim Al-Afghani iyo Abu Mansuur Al amriki oo Magaciisa Saxdana yahay (Cumar Shafik Hammami) lagu dilay 12-kii Sebtembar 2013-kii deegaan u dhow Diinsoor.
3. Fasul Cabdullah Maxamed (Fasul), waxa uu isna ahaa howl-wadeen sare oo Al-qaacida ah oo ku sugnaa Soomaaliya, kana tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaasi u dhashay Jasiiradaha Comoros. Abuu Fasul, 8-dii Juun 2011-kii ayaa lagu dilay isagoo xili habeenimo ah Gaari ku maraya agagaarka Ex-Control Afgooye.
Haddaba Qormada Qeybta 2-aad waxaan ku soo qaadaneynaa, Horjooyaal aan ka liidan kuwaasi, balse ka sii shar badan, waxayna kala yihiin:-
4. Maxamed Maxamuud (Duliyadeen), isna waxa uu ahaa muhalig Dhiigyo cab ah, Madaxii hore ee jabhada Ururka Al-shabaab ee gobolka jubbada hoose, wuxuuna ahaa dilaa dhagarqabe iyo dhiigyacab tilmaan ka ahaa Jubbooyinka, waxaana xili habeenimo ah ay diyaaradaha Mareykanka iyo Hay’ada (NISA) ee Jubbaland oo is kaashanaya duqayn cirka ah ku dileen Gacmadheere oo Gaari ku marayay deegaanka buulla-gaduud sannadkii 2016-Kii.
Dulyadeyn, wuxu ahaa Nin ka soo jeeda magaladda Gaarissa ee Waqooyi Bari ee kenya, waxaana la sheegay inuu jaamacad ka diyaariyay kulliyadda Culuumta shareecadda Islaamka heerka koowaad, dilkii Ururka Al-Shabaab waxaa ku yimid dib u dhac hoggaamineed iyo jahawareer sii kordhaya, wuxuuna Hoggaankoodu wajahayaa caqabado badan, taasoo wiiqday awooddooda abaabul iyo saamayntoodii hore ee jabhada jubbada hoose, tanina waxay muujinaysaa in rabshadaha iyo cabburintu aysan noqon karin waddo waarta oo lagu gaaro wax horumar ah.
5. Dhibaatooyinkii ay kooxda Alshabab Soomaliya ka gaysatay 17-Kii Sanno ee la soo dhaafay mid la mid ah ayaa iyadana loo gaysanayaa, waxaa maalin-nimaddii Sabtida ee 4-ta Bisha July ee Sannadka 2026-ka duqayn beegsi ah lagu dilay (Macallin burhaan’) oo kooxda Al-shabab ugu Magacawnaa Madaxa fursaanta gobolka Jubbada hoose, (Abu burhaan) waxa lagu dilay Tuulladda (Buulla-ooji) ee dulleedka magaladda Jamaame. Dowladda Mareykanka oo fulisay dilka hogaamiyaha dhagarta badan ayaa sheegtay in isna dhaawac fuduud ka soo gaaray’ (Aadan-dhaay) oo ahaa Madaxa Xisbada degmadda jamaame.
6. Horjoogahaan Magaciisa oo dhammeystiran lama hayo laakiin magaca (blacklistiga) la galiyay waa (Zubayr), Asal ahaanna waxa uu ka soo jeeda Qawmiyadda Oromada ee Dalweynaha Itoobiya, laakiin waxa uu ku soo barbaaray magaladda mandheera ee Waqooyi-bari keenya. Qofka aan ka hadlaya waa Madaxa howlgallinta Unuga kaynta qumbi, gaar ahaan deegannadda weelmaaro, miido, Harboole iyo Biibi, waana jabhad Ajanabi ah oo doonaya inuu jannada ka faalo-qaaday Qoyskiisa oo Itoobiya cidhifka ugu dambeeya dagan, waxa uuna doonaya inuu laayo oo Jano ku raadsado muwaadiniin Soomaliyeed oo Muslim ah.
(Zubayr) 15-Kii juun ee sannadkan 2026-ka ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay taliska guud Shabaabku ku leedahay kaynta (Qumbi), isaga iyo tobanaan kale ayaa lagu dilay howlgalka oo ay ku jiraan Saraakiil muhiim u ahaa Ururka, waxaana howlgalka iska kaashaday Jubbaland iyo ciidanka Mareykanka ee Soomaliya joogga, iyadoo dilka Zubayr uu dhabar-jab iyo filan waa ku yahay kooxda Budhcad-diimeedka Al-shabaab.
7. Sannadihii 2014-kii iyo 2015-kii waxaa si isdaba joog ah loo waayay qaar ka mid ah Madaxda sare ee Al-Shabaab, Cabdishakuur Tahliil, oo ahaa Madax ka tirsanaa garabka Amniyaadka ayaa la dilay (December 2014-kii Sidoo kale.
8. Yusuf deeq (Ismaaciil), oo lagu tilmaamay Madaxa Amniyaadka ee howlgallada dibadda, ayaa isna lagu dilay weerar Cirka ah 31-kii Janaayo 2015-kii agagaarka Degmada Diinsoor.
9. Wax yar kaddib uun, Aden Garaar ayaa noqday tusaale kale oo si weyn loo xusay geeridiisa, (Garaar) wuxuu ahaa mas’uul sare oo ka tirsanaa garabka amniga iyo sirdoonka, waxaana loo xilsaaray isku-duwidda howlgallada dibadda 12-kii Maarso 2015-kii gaari uu saarnaa ayaa lagu beegsaday duqayn diyaaradeed meel u dhow Diinsoor, waxaana markii dambe la xaqiijiyay dhimashadiisa,Waxa dhacdooyinkan ka muuqda ma aha oo keliya in Madax la waayay, balse waa silsilad isdaba-joog ah oo saameyn ku yeelatay heerarka sare ee hoggaanka, dhimashada Madaxda muhiimka ah waxay keeni kartaa in ururku marar badan dib u habeeyo hoggaankiisa iyo qaab-dhismeedkiisa.
Casharka ugu weyn wuxuu yahay in magaca, xilka iyo awoodda uu qofku ku leeyahay urur hubaysan aysan ka dhigin mid ammaan badan, taa beddelkeeda, marka qofku gaaro meel sare oo masuuliyadeed, waxaa kordhi kara khatarta ku xeeran, waxaana dhimashadiisu saameyn ku yeelan kartaa hoggaanka iyo isku-xirnaanta ururka, qof kasta oo ka fikiraya mustaqbalka hoggaanka urur hubaysan waa inuu fahmaa xaqiiqo adag, xil sare ma aha oo keliya awood iyo magac, wuxuu sidoo kale keenaa khatar, cadaadis iyo mas’uuliyad culus, Ururku mustaqbal Adduunyo iyo mid Aakhiro toonna agtiisa ma taallo.
10. Hey’ada (NISA) iyo dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay dileen Cabdullaahi Caashi ‘labajirow’ loona yaqaanay’ Sheekh Cabdullahi Ikhlaas) kuna magacownaa ku-xigeenka Sirdoonka kooxda iyo Madaxa amniyaadka Alshabab.
Abu ikhlaas wuxu ahaa xubin muhiim ah kana mid ahaa golaha masiirka ururka gacanta ku haya, waxaana lagu dilay 24-ka bishii Agoosto magaladda jilib ee gobolka jubbada dhexe, waxaanna lala dilay’ (dhagajuun) Xili habbeenimo ah, isagoo watay gaari borobokis ah.
Cabdullaahi Caashi Abuu Ikhlaas waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa shakhsi ka tirsanaa hoggaanka iyo Sirdoonka Al-Shabaab, isagoo door ku lahaa howlaha qarsoon ee kooxda, dilkiisa ayaana loo arki karaa dhabarjab kale ku yimid shabakadda Sirdoonka iyo isku-duwidda kooxda, gaar ahaan haddii uu lahaa xog muhiim ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada iyo hoggaanka Al-Shabaab.
11. Ciidanka dowladda ayaa xaqiijiyay dilka Madaxii jabhadda deegaanka Basra ururka Al-shabaab Cabdinaasiir farey, kaasi oo lagu dilay Aaga Aliflow. Farey wuxu ahaa xubin firfircoon oo muddooyinkii dambe ku sugnaa jiinka Webiga Shabbeelle gaar ahaan deegaanka Basra.
Cabdinaasir farey waxa lala dilay ilaaladiisa iyo koox kale oo ka tirsan Maktabyo kala duwan sida Shuuradda, Xisbada, Alkataa’ib iyo jabhadda, waxeyna lahaayeen kullan gaar ah oo ay uga arrinsanayeen culayska uga imaanayay dowladda Soomaliya oo guluf ballaaran maalmahan ka waday deegaannadda Shabbeelooyinka.
dilka Xubnaha firfircoon ee Ururka ayaa maalmahan noqday taargeed rasmi ah, iyadoo sannadkan la dilay xubnihii ugu muhiimsanaa.
12. Waa la dilay Madaxii maaliyadda Ururka Alshabab Aden ibraahin dhagajuun’ 24-kii bishii Agoosto ee sanadkan.
Sanadkan 2026-ka, Al-Shabaab waxaa ku dhacay cadaadis aan sahlanayn, Hoggaamiyeyaal iyo saraakiil muhiim u ahaa amniga, maaliyadda, qaraxyada iyo taliska ayaa midba midka kale uga dhacay howlgallo bartilmaameed ah. (NISA) waxay hore u sheegtay in 14 hoggaamiye oo sare oo kooxda ka tirsanaa la dilay muddo 10 bilood ah, halka bilihii xigay la soo sheegay dhimashada saraakiil kale oo muhiim ah.
Dilka hogaamiyhii Alshabab ugu jeclayd ee xiriirka dhow la lahaa hogaamiyaha sare ee kooxda Axmed diiriye’ (Abu Cubayda).
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 5-tii Luulyo 2026-ka howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah ula fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa caawiya ee reer galbeedka lagu dilay Macallin Jinoow Ibraahim, oo lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu sarreeya Al-Shabaab ee sida wayn loo baadigoobayay. Howlgalku wuxuu ka dhacay deegaanka Sabyo, oo u dhexeeya Afgooye iyo Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dilka Aden dhagajun oo lagu tilmaamay Madaxa Maaliyadda Al-Shabaab, ayaa cadaadiskaas sii xoojiyay, waxaana xusid mudan in tani ay tahay markii labaad muddo toddobo bilood gudahood ah ee la soo sheego in Madaxa Maaliyadda kooxda la dilo. Waxaa hadda muuqda ma aha oo keliya in xubno la dilayo waa in silsiladdii awoodda kooxda si joogto ah loo taabanayo marka Madaxa Maaliyadda, Saraakiisha sare iyo dadka gacanta ku haya howlgallada muhiimka ah ay noqdaan bartilmaameedyo, waxay dhaawacaysaa isku-xirka, kalsoonida iyo awoodda hoggaanka ee ururka.
Sida ay dowladdu u sharraxday, sababta uu u ahaa bartilmaameed muhiim ah waxay ahayd kaalintiisa hoggaamineed ee abaabulka iyo isku dubbaridka hawlgallada kooxda, geeridiisu waxay saameyn ku yeelan kartaa isku xirka iyo hoggaaminta qaar ka mid ah howlaha Al-Shabaab, waxa ka sii daran taas saameynta muddada dheer ee uu ku lahaa kooxda dhaxdeedda, wayna adag tahay in hadda la qiimeeyo, maadaama kooxdu ay marar badan beddesho hoggaamiyeyaasheeda. Warbaahinta iyo falanqeeyeyaasha amniga waxay xuseen in dowladda Soomaaliya ay sheegtay howlgalka inuu la fuliyay saaxiibbo caalami ah.
Su’aasha maanta taagan sidaas darteed ma aha oo keliya yaa xiga? Waa intee ayay sii shaqayn kartaa nidaam awooddiisa sare si joogto ah loo wiiqayo?Haddii cadaadiskani sii socdo, Al-Shabaab waxaa hor yaalla laba waddo inay sii waddo dagaal ay hoggaankeeda ku waayi karto mid mid, ama inay raadsato waddo siyaasadeed oo lagu joojiyo dhiig baxa, Marka hoggaanku noqdo bartilmaameed joogto ah, awoodda ururku way daciiftaa marka wadahadalku furmo, waxaa ugu yaraan furmaya waddo uu dagaalku ku dhammaan karo.
Maxa ka dhax socda kooxda alshabab sideese loo dhaxgalay? Waxaa muuqata in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu galay marxalad ay Sirdoon, xog gudaha ah iyo awood ciidan oo dibadeed si dhow isugu xiran yihiin. NISA waxay sheegtay in howlgallo dhowr ah lagu beegsaday Madax iyo xubno muhiim ah oo kooxda ah, iyadoo xog-ururin iyo dabagal hore loo sameeyay.
Waxa kaliya ee Seefta dul taagan tahay waa Axmed diiriye (Abu Cubayda) Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) iyo Mahad karataay oo gabaad ugu jira badbaadinta naftooda kaliya.
