Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Kadib markii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Ciidamada Qaranka ay qaadayaan howlgal kama dambeys ah oo Dalka looga ciribtirayo cadowga Khawaarijta ah ayaa Maleeshiyaadka Kooxda waxay bilaabeen inay isku soo dhiibaan Ciidamada Qaranka ee ku sugan furimaha dagaalka.
Maalmihii lasoo dhaafay dhowr Horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Dowladda, iyagoo sheegay inay soo wajahday cabsi badan, iyagoo markii horaba la kulmi jiray weerarrada iyo duqeymaha Ciidamada Qaranka oo ay u dheeraayeen duruufaha adag ee Duurka ku heysta Dhagarqabayaasha Khawaarijta.
Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Toddobaadkii Xoriyadda markale cafis u fidiyey Qofkii kasoo hara fikirka guracan ee Khawaarijta ee isku soo dhiiba Dowladda, dibna ugu soo laabta Dadkiisa.
Deegaanada Mubaarak, Buulo mareer iyo Jilib-marka ayey iska soo dhiibeen Xubnahaan ka soo baxay Khawaarijta ee isku soo dhiibay Dowladda.

