Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyagoo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah, ay Howlgal qorsheysan ka fuliyeen Degmada Kuunya Barrow.
Howlgalkaas ayaa lagu dilay Horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, kaasoo muddo dheer dhibaato ku hayay Nabadgelyada iyo Xasilloonida Shacabka Soomaaliyeed.
Horjoogahan ayaa si weyn loogu yaqaanay dhaca,baadda Hantida Dadka Shacabka iyo falal Amni-darro oo uu ka geystay Deegaanno kala duwan, wuxuuna sidoo kale cabsi gelin joogto ah oo uu ku hayay Bulshada .
Sidoo kale, Cabdullaahi Wadaad ayaa ku lug lahaa dilal Ganacsato badan oo Dalkooda Maalgashanayay, iyo Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gudaha Dalka, sida uu Wasiirku xusay.

