Horjoigayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Shabeelaha hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hawlgallo sahan ah ka waday deegaannada u dhexeeya Leego iyo lidow Jalaat ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa maanta dagaal culus la galay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kadib markii ay halkaas kula kulmeen maleeshiyaad isku uruursanayay dhulka howdka ah.

Howlgalkaas jab culus ayaa lagu gaarsiiyey cadowga, waxaana lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ay ka mid yihiin Horjooge Cabdifitaax Gaalgooriyow iyo Cabdulqaadir Xuseen, iyadoo Ciidamadu burburiyeen fariisimihii Khawaarijta.