Horin ka tirsan Banda Musikada Booliska oo tababar loogu soo xiray Akadeemiyada Gen. Kaahiye

Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa tababar usoo xirey horin ka tirsan Banda Musikada Booliska kuwaas oo muddo tababar ugu xareysnaa Akadeemiyada Gen. Kaahiye.

Taliyaha Akadeemiyada Booliska Gen. Kaahiye S/Guuto Cabdikariin Macalin Xuseen oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in horintani ay qaadatay tababar isugu jiray xirfado gaar ah iyo Sharciga Booliska Soomaaliyeed.