Waxaa loo baahan yahay in loo midoobo dalka difaaciisa iyo midnimadiisa waxaana habboon in hoggaanka lagula shakheeyo gacan aan hagar laheyn oo mideysan si mas,uulku u guto xilka iyo waajibaadka dalka iyo dadku ay ka sugayaan.
Marka la soo xusho hoggaan nasiibkiisuna saare qaado, waxaa looga baahan yahay wax badan oo ay ka mid tahay in la siiyo talooyin fiican isguna helo waqti uu ka baaraan dego howshiisa loo idmaday iyo waajibaadka ballaaran ee horyaalla.
Haddii mudanaha ama mas’uulka la doortay lagala hortgo qaylo, buuq iyo sawaxan isla markiiba wuu warerayaa oo niyad jabayaa, dhibaatada mas,uulka sare qabsatana waxay dib ugu soo noqoneysaa ummadda uu mas,uulka ka yahay waayo ma helin wixii uu dadkiisa xaq ugu lahaa, taas oo aheyd la shaqeyn daacad ah iyo howl karnimo.
Dalkeennu wuxuu ku jira xillgii uu ka soo kabsan lahaa burburka dagaalladii sokeeye iyo dowlad la,aanta waxaan la soo gaaray waqtigii laga xoreyn lahaa ururrada khawaariijta ee xoogga ku heystay degaamada ummadda soomaaliyeed gaar ahaan gobollada koofurta iyo gobollada dhexe oo ay mudda dheer ka qaraabanaayeen, kuna hayeen dil iyo dhac iyo is hor taag maamul.
Dadka ay u xukumayeenna ma helin caafimaad, waddo, biyo nadiif ah.
Haddaba, haddiii intaas ay jiraan dalkana ay burbureen kabayaashii dhaqaalahana ay dhulka ku dareen maamul xumo awgeed dalkiin ay gobol gobol u kala googooyeen, markii runta la isu sheego qabiil qaran ma noqon karo ee qabyaaladda halaga tago.
qarannimadu waa dad isku tegay oo isku duuban oo wax wada dhistay kuna ballamay inay isku tiirsanaadaan.
waxaa ka jira hadallo fadhikudirir ah oo siyaadda lagu haddana qofka dowlad yaqaan ma ahan wax uu qaadankaro ma ahan sababtoo ah waxa dowlad u baahan tahay
xilligaan hadda lagu jiro iyo waxa uu dalkeenna iyo dadkeenna u baahan yihiin oo keliya in laga shaqeeyo ayaa habboon wixii intaas ka soo harana waa in faraha laga qaadaa.
Haddaba qofka mas,uulka ahi wuxuu hayaa ammaano cir iyo dhulba diiday oo haddii uu ka soo baxo sida ay tahay abaal gudkeeda ayuu helayaa kolba meesha uu wax dhigo.
Caddaaladda ilaahey ayuu la hortegayaa kumana saarno adiga laakiin, mafiicna dadkii shaqada loo hayey in laga shaqeyn waayo.
waxaa habboon mar haddii uu xil qaaday eed ayuu qaaday oo waatii uu yiri
abwaankii Nin xil qaaday eed qaad waxaana laga doonayaa dulqaad iyo adkeysimo iyo miisaan dheeraad ah waayo waa mas,uul, mas’uulnimadana waxay ka soo billaabataa guriga iyo qoyska, samir iyo daacadnimo dheeraad ah iska ilaali eexda iyo qabyaaladda, soomaalidii hore waxaa dilay eex qabyaalad iyo musuq maasuq xilna la isuma dhiibo oo ilaahey ayaa bixiya isga ayaana qaada wax kasta rabbi agtiisa ayey ka ahaadeen ee ku talo gal hoggaanka waa mid culeys iyo dhib badan waayo eeddiisu wey badan tahay ee iska jir
WQ: Abwaan C/salaam Gabayre