Hoggaanka ciidanka Sudan oo ogolaaday xabad joojin dheeraad ah

Hogaamiyaha  Ciidamada Sudan ayaa muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay 72 saacadood  oo xabad-joojin dheeraad ah,xilli ay sii socdaan dagaalada ay kula jiraan kooxda ka soo horjeeda ee ciidamada gurmadka degdegga ah oo haatan ku sugan duleedka caasimada Khartoum.

Tallaabadaan ayaa timid waqti madaxweynayaasha Koonfurta Suudaan, Kenya iyo Jabuuti ay ka shaqeeyeen hindise ay ka mid yihiin in la kordhiyo xabad joojinta iyo wadahadalka labada ciidan.

 Qoraal ka soo baxay hoggaamiyaha ciidanka Suudaan ayaa lagu sheegay in  madaxweyne Burhaan uu IGAD ka ogolaaday xabad-joojin dheeraad ah oo maanta ka bilaabaneysa goobaha la isku heysto sida magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Ma jirto wax jawaab ah oo ay ciidanka RSF ka bixiyeen soo jeedinta ka timid urur goboleedka IGAD,waxaana dagaalladii ugu cuslaa ay ka dhaceen Umu-durman oo ah magaalo ku taal cidhifka waqooyi ee Khartoum.