Hoggaamiye Ku-xigeenka Hirshabeelle oo loo doortay Cabdifataax Xasan Afrax

Mudane Cabdifataax Xasan Afrax ayaa ku guuleystay xilka Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Shanta Sano ee soo socota, kaddib markii uu helay 79 Cod.

 

Doorashada waxaa codeeyay 97 Xubnood, waxaana xumaaday 2 cod. Musharrax Cabdifataax Baashi Maxamed ayaa helay 16 cod.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Maanta doortay Hoggaanka Hirshabeelle, kuwaas oo ku yimid Codka Dadweynaha.