Baydhabo,(Wargeyska Dalka):- Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey Shir muhiim ah oo looga hadlayay xaqiijinta Amniga Deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Xarunta ku-meel-gaarka u ah Dowladda Koonfur ee Magaalada Baydhabo.
Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Ammaanka, Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Amniga guud, dardargelinta wada-shaqeynta Hay’adaha Amniga iyo Maamulka, sare u qaadidda feejignaanta Ciidamada, iyo sidii loo adkeyn lahaa qorshayaasha lagu ilaalinayo Nabadda, xasilloonida iyo badqabka Shacabka.
Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Maadobe) ayaa faray Hay’adaha amniga inay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan sugidda Amniga, ka hortagga falalka lidiga ku ah Nabadgelyada iyo ilaalinta Shacabka, isagoo ku adkeeyey in si dhow la iskula shaqeeyo si loo xaqiijiyo Amni waara iyo xasillooni ka hanaqaadda guud ahaan Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.















