Hoggaamiyaha SSC-Khaatuma oo kulan la qaatay kusimaha danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay kusimaha danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya, Mudane Carsten Carlsen.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabad-dhiska, horumarinta siyaasadeed, barnaamijyada xasilinta iyo iskaashiga mustaqbalka ee u dhaxeeya labada dhinac.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay dadaallada SSC-Khaatumo ay ugu jirto horumarinta deegaannada ay masuulka ka tahay.