Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) garoonka duyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Hoggaamiye C.qaadir Axmed Aw-Cali ayaa imaatinkiisa magaalada Muqdisho uga qayb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu ku casuumay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, shirkaas oo lagu wado Villa Soomaaliya ka dhacayo shanta bishaan May ee 2025.

Hoggaamiyaha oo soo dhoweyn ka dib, warbaahinta kula hadlay la hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu Muqdisho u yimid ay tahay ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee SCC-Khaatumo qeyb ka tahay.

“Waxaan u imid Muqdisho in aan ka qeybgalo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo markii u horeysay ay SCC-Khaatumo ka qeybgaleyso”.