hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa shalay si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose.
Booqashada Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka yaa ku saabsaneyd la socodka xaaladda dadka iyo tan deegaanka iyo guud ahaan sidii wax looga qaban lahaa soo celinta bilicda degmada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Baraawe.
“Baraawe weey u qalantaa caasimad waxayna leedahay nuucyada kheyraadka ee ay u baahan yihiin bulshada,sidaa aawadeed waxaan dooneynaa in aan fududeyno adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha dadka”,sidaasi waxaa yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa Degmada Baraawe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin heer federal ah iyo kuwo heer dowlad goboleed ah,Guddoomiyaha Goolka Sh/Hoose,Guddoomiyaha Degmada Baraawe,saraakiisha ciidanka amniga iyo hoggaamiyaasha dhaqanka.

