Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Ardayda kaalimaha hore ka galay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad, kaas oo ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa Hambalyo iyo bogaadin u jeediyey Ardayda ku guuleystay kaalmaha hore, isagoo ku ammaanay dadaalkooda, juhdigooda iyo sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaaleen Imtixaanka Shahaadiga ah.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegey in Dowladda Koonfur Galbeed ay Ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka siinayso Waxbarasho Lacag la’aan ah, taas oo ay ku sii wadan doonaan waxbarashadooda ilaa ay ka dhammaystaan Dugsiga sare.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Galbeed ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta Waxbarashada iyo dhiirrigelinta Ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dadaala Waxbarashada, si loo dhiso jiil aqoon leh oo Mustaqbalka hoggaamin kara Dalkooda iyo Dowladdooda.
Qaabilaada Ardayda Hogaamiyaha waxaa kala qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Mudane Maxamed Cusmaan Xaaji (Jiidow), Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdiraxiin Maxamed Xasan (Laamey) iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed.

















