Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Vikram Parekh, iyo Ku-xigeenka Wakiilka Deganaanshaha ee UNDP, Mudane Christopher Laker.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Xaaladda Guud ee Deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan Arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dib-u-heshiisiinta, taageerada Horumarinta iyo Arrimaha Bani’aadantinimada.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Bulshada ku nool Deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo Iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Magaalada Muqdisho kula yeelanayo Madaxda iyo Hay’adaha kala duwan, kuwaas oo looga gol leeyahay dardargelinta wada-shaqeynta iyo Horumarinta danaha Shacabka Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa sidoo kale Hoggaamiyaha kala qeybgalay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin kale.

 

FB_IMG_1786356687593.jpgFB_IMG_1786356693165.jpgFB_IMG_1786356687637.jpg

 

FB_IMG_1786356689114.jpg