Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mudane Charles King.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Ingiriiska, gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aaddan taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga saaxiibbada caalamiga ah, si loo dardargeliyo horumarka, loo xoojiyo hay’adaha dowliga ah, loona horumariyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay saaxiibbada caalamka, si loo gaaro himilooyinka nabadda, dib-u-heshiisiinta, dowlad-wanaagga iyo horumarka waara ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa Hogaamiyaha waxaa kala qeybgalay Wasiirka Tamarta, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

