Hoggaamiyaha Koofur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha SoDMA

Baydhabo-(Wargeyska Dalka)- Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El Niño ee Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta diyaar-garowga iyo ka jawaabidda saameynta El Niño, gaar ahaan Roobabka Culus iyo Fatahaadaha laga cabsi qabo, iyadoo la isla eegay qorshayaasha lagu yareynayo khataraha iyo ilaalinta Nolosha iyo Hantida Bulshada.

Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray xoojinta isku-duwidda Hay’adaha iyo in wacyigelinta iyo digniinta hore la gaarsiiyo Bulshada ku nool Deegaannada Fog-fog.

Hoggaamiyaha Dowlad-Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo diyaar-garowga, lana qaado tallaabooyin hore oo lagu yareynayo saameynta El Niño.