Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo ka qeybgalay xaflad lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinaayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Xasan John.

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa  wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan DFS, Goliyaasha kala duwan dowladda koonfur galbeed, gudoomiyaha maxkamada sare iyo marti sharaf kale. Wasiirka cusub ayaa si rasmi ah u dhaartay isaga oo ballan qaaday inuu si daacadnimo leh ugu adeegi doono shacabka iyo dowladda Koonfur Galbeed.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi hogaamiyaha ku meel-gaarka ah dowladda koonfur galbeed ayaa hambalyo u diray wasiirka cusub, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta amniga, la dagaallanka falalka amni darrada ah, iyo kor u qaadista wada shaqeynta hay’adaha amniga.