Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qaybgalay munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha la doortay ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo ku-xigeenkiisa Mudane Cabdifataax Xasan Afrax.
Munaasabadda caleema-saarka ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu Horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada, hoggaamiyeyaasha Dowlad-Gobolleedyada Dalka, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo marti-sharaf kale.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa u rajeynaya in ay ku guuleystaan masuuliyadda culus ee loo igmaday, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta deegaannada Hirshabeelle, xoojinta amniga, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo dardargelinta adeegyada ay Dowladdu u hayso shacabka.









