Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Aadan Maxamed Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Ujeedka safarkooda ayaa ah ka qeybgalka munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka Dowladda Hirshabeelle.
Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa uga mahadceliyay Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed booqashadiisa iyo imaanshihiisa caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar.




